Call: +252 2 522515
Sales Hours Sat - Thur: 07:30AM - 12:00PM 15:30AM - 17:30PM Friday: Closed
Adress Khayria Area, Road Number 1, Hargeisa

Waa maxay warqada balan qaadista amaahda ama loo yaqaan; letter of Credit (L/C)?

Dara Salaam Bank > News > Insights > Waa maxay warqada balan qaadista amaahda ama loo yaqaan; letter of Credit (L/C)?
May 21, 2019 Posted by: admin Insights

Warqada balan qaadista amaahdu waa warqad uu bangigu u sameeyo ganacsade ama qof doonaya inuu wax ka soo iibsado dal kale taas oo damaanad qaadaysa una balan qaadaysa shirkada ama cida wax laga soo iibsanayo in uu qofkan wax iibsanayaa bixin doono lacagta oo dhamaystiran waqtigii lagu heshiiyey hadii uu soo bixin waayana uu bangigu ka sii bixin doono.

Labada dhinac ee wax kale iibsanaya oon hore isu aqoon ama kalsooni isu hayn, kala fogaanshaha wadanada, adkaanta wax kala iibsiga caalamiga ah awgeed ayeey muhiim u noqotay inay bangiyada caalamiga ah sida Darsalaam bank ay bixiyaan adeegan.

Ka soo qaad alaab ayaad is tidhi ka soo iibso shirkad ku taala dal kale sida China ama Turkiga ama dal kale waxaad ka baqanaysaa in lacagtaada lagaa dhaco waxaad ka codsatay shirkadaad alaabta ka soo iibsanaysaa lacagta inaad siin doonto markay alaabtu soo gaadho dalka laakin shirkadii alaabta kaa iibinaysayna way kaa diideen iyagoo iyana ka baqaya khasaaraha ay gali karaan sidaa darted waxa laga yaaba inay ku waydiiyaan inaad bangi caalamiya sida Darasalaam bank aad ka haysato warqad damaanad ah si ay kuu aaminaan, khasaarahana ay iskaga ilaaliyaan adiguna aad lacagta u bixiso markaad alaabtii ay ku soo gaadho oo aanad ka baqan in lacagtaadii dhacanto.

Mar danbe haka baqan in lagaa dhaco lacagtaada ama waqti iyo lacag kaaga baxaan safar dheer oo aad ku soo hubinaysid alaabta aad iibsanayso iyo shirakadaad wax ka soo iibsanaysoba.

Adeegan oo kuu sahlaya inaad si fudud ula macaamiisho ganacsiyada aad wax ka soo iibsanayso (Suppliers) adigoo dalka jooga lacagtaadiina kuu ilaashantahay ayaa kuugu diyaar ah Darasalaam bank.

#Letterofcredit

#Darasalaam_bank

#Kobciyaha bulshada.

#Hormuudka bangiyada geeska.

#Bank #Bestbank #Somaliland #islamicbanking #Investments #innovation#money #Finance #wealth #savings #ATM #business_partner #development#Telextransfer #ebanking #kaafi_services #payroll_services #swiftpayments#edeposit #murabaha #mudarabah #Musharakah #bank_you_can_trust#Success