Call: +252 2 522515
Sales Hours Sat - Thur: 07:30AM - 12:00PM 15:30AM - 17:30PM Friday: Closed
Adress Khayria Area, Road Number 1, Hargeisa

Maxay ku kala duwanyihiin Visa iyo Mastercard ku?

19 May 2019 Posted by: admin Insights

Visa iyo Mastercard waa labada shirkadood ee aduunka ugu weyn xaga bixinta kaadhadhka daynta ee loo yaqaano credit cards iyago sidoo kale bixiya kaadhadh ku shubasho ah oo iyagana loo yaqaano prepaid cards. Labadan shirkadood waxay ka shaqeeyaan in kabadan 190 dal aduunka.

Dadka in badan ayaa u haysta inay labadan shirkadood ay yihiin bangiyo hase ahaatee xaqiiqadu way ka duwan tahay taa, labadan shirkadood waa kaadh bixiyeyaal, kaadhadhkaasoo lacag lagu bixiyo, lagu helo laguna diro. Waxana loo yaqaan (Methods of payment) waxay ku tiirsanyihiin inta badan bangiyo maxali ah oo bixiya adeegooda sida Darasalaam bank oo kale oo ka haysta ruqsada bixinta labada kaadhba.

Maqaalkan waxaanu ku eegi doonaa inshallah labadan kaadh bixiyeyaal ee Visa iyo Mastercard waxay ku kala duwanyihiin:

Guud ahaan waxay ku kala duwanyihiin:

Wax wayn ma ku kala duwana labadan kaadh bixiye marka aynu ka hadlayno kaadhadhka ay bixiyaan laftooda iyo isticmaalkoodaba hase ahaatee waxaynu hoos ku xusi doonaa waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin guud ahaan labada shirkadood:

  1. Rasamaalka kaadh bixiyaha Visa waa $194.64 bilyan oo dollar halka Mastercard uu rasmaalkiisu yahay $110.74 bilyan oo dollar.
  2. Shaqaalaha shirkada Visa waa inkabdan 11,300 halka Mastercard hawlwadeenadiisu ay yihiin inkabadan 10,000
  3. Kaadhadhka shirkada Visa ay haatan bixisay waa 2.1 bilyan oo kaadh halka Mastercard ay bixisay inkabadan 1 bilyan oo kaadh.
  4. Lacagta dhex marta shirkada Visa sanadkii waxay gaadhaa $6.5 triliyon oo dollar halka lacagta dhex marta shirkada Mastercard ah gaadho $3.6 triliyon oo dollar.
  5. Sidaynu soo sheegnay labaduba waxay ka shaqeeyaan inkabadan 190 dal inta badana midkood markaad aragto ka kalena waad ku ag arki kartaa caalamka oo dhan
  6. Shirkadaha ama ganacsiyada isticmaala kaadhadhka Visa iyo Mastercard ba waxay gaadhayaan ku dhawaad 37 milyan oo shirkadood ama ganacsi.
  7. Tirada ATM yada ama mashiinada lacagta lagala baxo ee shirkada Visa leedahay ama aqbalaa waxay ka badanyihiin 2 milyan oo ATM halka Mastercard ay gaadhayaan 1 milyan oo ATM.
  8. Sidoo kale waxay ku kala duwan yihiin adeegyada kaadhadhka la socoda oo aynaan halkan ku soo koobi karayn.

Gaar Ahaan Darasalaam bank labada kaadh uu bixiyo waxay ku kala duwanyihiin:

  1. Waqtiga qaadashada kaadhka Visa waa 20 minute oo kaliya halka Mastercard ku mudo la sugo gaadhaysa 3-4 wiig laga bilaabo maalinta lagu diiwaangaliyo.
  2. Visa kaadhka Darasalaam bank bixisaa waa ku shubasho ama prepaid card halka Masartercard ku ka yahay mid ku xidhan account kaaga aad ku leedahay bangiga.
  3. Khidmada ay labada kaadh goostaan markaad wax ku iibsato wax badan ma ku kala duwana.
  4. Kaadhka Visa waxaad ku furan kartaa qaab online ah adoo isticmaalaya adeega Cusub ee shirkada Telesom iyo Darasalaam bank sida wada jirka ah u sameeyeen ee loo yaqaan WAAfi.
  5. Lacagta furashada kaadhka Visa waa $20 oo kaliya $10 oo ah is diiwangalinta iyo $10 ku shubasho ah halka Mastercard ku ka yahay $30 oo kaliya

Gabogabadii labadan kaadh bixiye waxaanu soo sheegnay inaanay wax badan ku kala duwanayn guud ahaan hase ahaatee farqi u dhaxeeyo labada kaadh ee Darasalaam bank bixiyo markaynu eegno xaga waqtiga qaadashada, lacagta ku furashada iyo qaabka isticmaalkoodaba hase ahaatee labada adeegba uu Bangigu kuu hayo. Waa adiga iyo doorashadaada.

Visa Card maanta furo, maanta qaado, maanta isticmaal

#Visa_card

#Darasalaam_bank

#Kobciyaha bulshada.

#Hormuudka bangiyada geeska.

#Bank #Bestbank #Somaliland #islamicbanking #Investments #innovation#money #Finance #wealth #savings #ATM #business_partner #development#Telextransfer #ebanking #kaafi_services #payroll_services #swiftpayments#edeposit #murabaha #mudarabah #Musharakah #bank_you_can_trust#Success