Call: +252 2 522515
Sales Hours Sat - Thur: 07:30AM - 12:00PM 15:30AM - 17:30PM Friday: Closed
Adress Khayria Area, Road Number 1, Hargeisa

Waa maxay warqada damaanad qaadku (Letter of Guarantee)?

Dara Salaam Bank > News > Insights > Waa maxay warqada damaanad qaadku (Letter of Guarantee)?
Jun 18, 2019 Posted by: admin Insights

Warqada damaanad qaadku waa adeeg ama warqad bangigu u sameeyo ganacsade ama qof doonaya in uu wax ka iibsado shirkad ama qof shakhsiya warqadan oo damaanad buuxda siinaysa qofka ama shirkada wax laga iibsanyo iyadoo uu bangigu u balan qaadayo haduu bixin waayo macmiilka la damaanad qaaday inuu bangigu bixin doono qiimaha shayga la kala iibsaday. Si uu macmiilku u helo warqadan waa inuu buuxiyaa shuruuda adeegan oo la mid ah shuurudaha amaahda ama maalgashiga. Sidoo kale waxa warqadan qaadan kara shirkad ama adeeg bixiye qof macmiil ah ka sii qaadaya horumarin lacageed intaanu adeega u dhamaystirin halkuu bangigu u damaanad qaadayo hadii adeegan uu heli waayo qofka macmiilka ahi uu lacagtiisii u soo celin doona lana xaali doono adeeg bixiyaha.

Halkan waxanu ku soo qaadan doonaa laba tusaale:

  1. Tusaalaha koobaad: Ahmed ayaa doonaya in guri loo dhiso waxaanu heshiish la galay shirkad shirkadaha dhismaha kamida, shirkadii wax horumarin ah ma siin waxaanu u sheegay in marka ay dhameeyaan dhismaha gurigaas uu lacagta siin doono, caadiyan shirkad taas ka yeelaysaa ma jirto laakin wuxuu u sheegay in uu damaanad buuxda ka haysto Darasalaam bank oo hadii uu bixin waayo lacagtaas uu bangigu bixin doono, shirkadiina sidaa heshiis kula galay iyadoo bangiga kalsooni ku qabta.
  2. Tusaalaha labaad: Ahmed wuxu sii qadimay lacagtii dhismaha gurigiiso oo dhamaystiran se waxa uu ka shakiyey in ay shirkadu xiligii uu u baahnaa ugu dhamayn karto gurigiisa ama adeegan u dhamaystiri karto, shirkada dhismaha ayaa Darasalaam bank uga soo qaaday warqada damaanada (Letter of Guarantee) taas oo damaanad qaadaysa hadii ay adeegaa ka soo bixi waydo in bangigu u celin doono Ahmed dhamaan lacagtiisii ama inta ku hadhay shirkada dhismaha.

Adeegan oo kalsooni iyo damaanad buuxda siinaya labada dhinac ee wax kala iibsanaya ayaa ah mid u fududayna labada dhinaca in ay is aaminaan si niyadsana wax u kala iibsadaan.

Mar danbe haka baqan lacagtaada in lagaa dhaco ama heshiis lagaaga baxo, adeegso warqada damaanad ee Darasalaam bank bixiyo.

#Letter_of_Guarantee

#Darasalaam_bank

#Kobciyaha bulshada.

#Hormuudka bangiyada geeska.

#Bank #Bestbank #Somaliland #islamicbanking #Investments#innovation #money #Finance #wealth #savings #ATM#business_partner #development #Telextransfer #ebanking#kaafi_services #payroll_services #swiftpayments #edeposit #murabaha#mudarabah #Musharakah #bank_you_can_trust #Success