Call: +252 2 522515
Sales Hours Sat - Thur: 07:30AM - 12:00PM 15:30AM - 17:30PM Friday: Closed
Adress Khayria Area, Road Number 1, Hargeisa

Bangiga Caalamiga ah ee DaaraSalaam Bank oo Shaqaalihiisa Tobobar u soo xidhay

16 March 2016 Posted by: admin News & Events

Bangiga caalamiga ah ee Daarasalaam Bank ayaa tababar caalamiya u qabtay shaqaalihiisa ka hawlgala dhamaan goboladda dalka, tababarkan oo ay bixinaysay shirkadda caalamiga ah ee Al-macaali Group Consultancy oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai.

Tababarkan waxaa loo qabtay shaqaale tiradoodu dhamayd 30 qof oo ka kala yimid Bangiyadda ay bah-wadaagta yihiin Daarasalaam Bank ee Salaam Africa Bank ee dalka Jabuuti iyo Salaam Bank  Soomaaliya.

Waxaana tababarkan oo socday muddo afar cisho ah lasoo gaba gabeeyay shalay waxaana ujeedad tobobarkan faahfaahin kabixyay Naasir Siciid Sulub oo ah madaxa shaqada iyo shaqaalaha “Tababarkan

ciwaankiisu waxaa uu ahaa Certified Islamic Bank waxaana qaadanayay shaqaalaha, waana maado mihiim u ah bangiyada islaamiga ah, waxaana lagu baranayay muddadii uu socday adeegyada ay bixiyaan bangiyada Islaamiga ahi, waxaana tababarkan bixinayay qolada layidhaa Al-MACAALI oo fadhigoodu yahay Dubai” ayuu yidhi Naasir Siciid.

Waxaanu intaasi ku daray in  ay mihiim tahay  marka laqiimeeyo in shaqaalaha kolba lasiiyo tababarka ay ubaahanyihiin sida kan imikoo kale, waxaanu sheegay inay aad uga faa’iideen afartii cisho ee tababarku usocday.

Ismaaciil Aadan oo ah khabiir inbadan ka soo shaqeeyayay hawlaha banigayada ayaa sheegay inuu ku farax sanyahay qaabkii uu afarta cisho uu usocday tababarku “ aad ayaan ugu faraxsanahay in sodonkii qof ee ka soo qayb galay tobobarkani intuu uu socday ay uqaadanayeen si niyad sami ah, shirkada Al Macaalina waa shirkad caalamiya oo bixisa adeegyada kala duwan ee bangiyadu ubaahanyihiin, aad baanan ugu faraxsanahay in daarasalaam Baank ay doorteen Al-macaali guruub in ay siiso tobobarkan” ayuu yidhi.

Waxa isna munaasibadii lagu soo xidhayay tobobarka ka hadlay Axmed Faarax Fiidaw oo kamida madaxda Salaama Somali Baank waxaanu sheegay in muddadii uu socday tababarku ay shaqaaluhu siwanaagsan uga faa’idaysteen waxyaabo badan “ sida aan la socona Salaam Guruub waxaa la odhan karaa Somaliya iyo Somaliland waa hogaanka Bangiyada Islaamka ah ee ugu horeeya labadan dal, waana fikirkii ugu horeeyay ee Islaamik Baankigu uu bilaabay , taasaana suuro gelisay in loogu yeedho magaca hogaanka bangiyada , isla markaana daah fur unoqtay in Islaamic Baking industariga uu yahay fursada la suuro gelin karo oo dhaqaaqi karta, kadib markii la arkay dhamaad adeegyadii Islaamic baankiga ay banigyadaasi suuro geliyeen” ayuu yidhi.

Maxamed Ibraahim Xaaji Muuse oo ah masuulka Salaam Bank oo isna kalmadiisa ka yidhi madasha ayaa sheegay in ay farxad wayn utahay in ay manta soo gabagabeeyaan tababarka “tobobarkani aad ayuu mihiim ugu yahay shaqaalaha , shaqaaluhuna maadaama ay yihiin lafdhabarta hay’daha ay ka shaqeeyaan, haddii aanu nahay Daarasalaam Bank waxaanu isku daynay in aanu shayga koobaad ka dhigno shaqaalaha , shaqaaluhuna uu noqdo in lageliyo awood , awoodaasina noqoto wixii aad shaqaalaha geliso in iyaguna ay dibada usoo saaraan oo ay uga faa’iideeyaan bulshadii , markaa Daarasalaam Bank shaqaalihiisa markii koowaad maaha ee uu tobobar noocan oo kale ah siiyo joojina maayo ee mararbadan oo kale ayuu isku dayayaa inuu siiyo kolba taba barka ay shaqaaluhu ubaahanyihiin” ayuu yidhi Masuulka Salaama Bank.

Aakhirkiina waxaa tobobarkaasi soo xidhay gudoomiyaha guud ee shirkada caalamiga ah ee Telesom Cabdikariim Maxamed Iid oo sheegay in ay mudantahay in la dhiso marka hore aqoonta iyo kartida qofka shaqaalaha ah taasi oo ah ayuu yidhi hadafka koowaad ee guruubku leeyahay oo ah in ladhiso dad iyo shirkado bulshada ay ka dhex shaqaystaan anfaca.

Munaasibadii lagu soo xidhayay tababarkan ayaa dhamaan masuuliyiintii iyo  shaqaalihii ka hadlayba ay sheegeen in ay mihiim tahay in kor looqaado aqoonta shaqaalaha si ay bulshadu ugu adeegaan si wanaagsan.

Aakhirkiina waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay shaqaalhii qaadanay tababarka.