News & Events

Daara-Salaam Baank oo si weyn uga dhex muuqday shirkii Xawlaadaha Somaliland iyo Baanka dhexe wada qabteen ee Maan-soor Hotel

Hargeysa [BMC] Baanka Daara-salaam horeyna loo odhanjiray Salaama Bank ayaa si weyn uga dhexmuuqday xafladda balaadhan oo maalintii Arbacadii ina dhaaftay lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa,Baanka Daara-salaam waxa uu bulshada u qabtaa Adeegyo kaladuwan sida inaad dhigan karto lacagahaaga adiga oo ku Aaminqaba amaanadiisa iyo inaad ka furan karto Account-yo kuu fududaynay inaad si habsami ah u maamulan karto lacahagaaga.

Saraakiisha Baanka Daara-Salaam oo ku oo lebistay dhar-qruxubadan ayaa lagu arkayey iyaga oo hoostaagan muuqaallo quruxbadan oo ka tarjumayey hawlaga uu Daara-Salaam u qabanayo Bulshada uga baahan Adeegyada ay Baananka kale ee caalaiga ahi qabtaan sida kuwa aan xaaga sare ku soo shegnay iyo Qaarkale,Adeeggyada uu Baanka Daara-Salaam kuula diyaarka yahay waxaa kamid inaad ka helidoonto ATM kaas oo ah Adeegg casriya oo ay qabtaan Baananka caalamiga ahi waxaanu waxweyn ka taridoonaa baahiyaha ay u qabaan bulshadu inay helaan Adeegaasi oo ah mid dunida hormartay laga isticmaalo.

dhanka kale Daara-salaam oo ay dadku horey uga barteen Aamaano iyo Adeegg hufan ayaa dhawaan lagu soo kordhiyey qaybo cusub oo kaladuwan waxaana garan karaya Adeeggadayada uu qabto Daara-Salaam Baanka qofka soo booqda ama horey uga midka ahaa dadka macaamisha u ah ee Adeegyadiisa  ku xidhan,hadaba hadii aanad horey  uga mid ahayn macaamiisha Daara-Salaam Bank waxaa hadda kuu furan albaabka fursad qaaliya ee yaanay ku dhaafin ee ka faa'iidayso fursadaasi qaaliga ah ee uu kuula diyaarka y ahay Baanka Daara-Salaam.

Baanka Daarasalaam Adeeggyada uu qabto waxaa kamida [Saving Account] waxa layidhaado oo ah sidaa aan xagga sare ku soo sheegnayba inaad lacagtaad ku kaydsato lacagahaaga si aad habnidaamsan ugu maamulato.Waxaakale oo kamida Jeegagga wareega oo hab aaminaadni ku ladhantahay laguugu shaqaynayo,inaad adigu qayb-xisaabeedkaaga aad si toosa u maamulankarto,Adeegga ATM ka oo awood u leh inuu la jaanqaado dhamaan adeeggyada Jeegagadda wareega iyo bixintoodaba.

Adeeggyadaasi waxaa kamida inuu Baanka Salaama xidhiidh la leeyahay Baanankale oo caamali ah sida Commerze Bank,Barclays Bank,Asya Bank iyoNoor Silamic Bank,Adeegga Kaafi ayaa  kamida adeeggyada uu qabto Daarasalaam Bank kaas oo faa’iidooyinka kalaga helay ay kamid yihiin waxyaabo farabadan oo ay dadku hadda kaga nasteen helidooda Adeeggyada uu Baankaasi bixiyo, Baanka Daaralsamaam waxa uu bixiyaa maalgalinta caalamiga ah ee ay bixyaan Baananka kale si lamid ah taas oo ay dadka qaarkii ilaa hadana ku badhaadheen kadib markii ay dhaqaale aan dulsaar lahayn oo shareecada Islaamka ku salaysan ku qaateen lacago ay ku samaysteen ganacsigooda oo uu Baanka Daarasalaam siiyye.

Daarasalaam Bank Adeeggyada kale ee uu kuu hayo waxaa kamida inaad ka  helayso Visa Card,Master Card,American Express iyo Salaama Card,waxaanu Baanka Daarasalaam su biixda ugu shaqeeyaa mabaadiida Shareecada Islaamka,Baaka Daarasalaam waxay xaruntiisa ugu weyni ku taallaa magaalada Hargeysa waxaanu sidoo kale waxaanay dadweynuhu adeeggaa ka helikaraan   marka xarunta laga reebo Hotel-lada Ambassador iyo Safaari.

Hadaba aan kuu tilmaamee Baanka Daara-salaam waxa uu ku yaalaa magaalada Hargeysa ka soo horjeedka Khayriyada waxaana kuugu diyaar ah shaqaale shaqada u jajaban oo si hufan kuugu adeegi karaya hadii aad u baahato inaad ka mid noqoto bahda Daara-salaam Baank.

Source: www.Baadiye.net

Online Banking Login

Dara-Salaam Downloads